(Lyon) 25 Juunyo 2018 Madaxwaynaha kooxda Lyon ayaa sheegay in kooxdiisu ay wadahadal la furayso Nabil Fekir kadib koobka adduunka.
Xiddigaan ayaa tijaabada caafimaadka u maray Liverpool, laakiin heshiiska ayaa si lama filaan ah u burburay horaantii bishaan.
Jean-Michel Aulas oo la hadlay Le Parisien ayaa yiri:
“Go’aankeena haatan waa in aanaan iska fasixin ciyaartoyda kooxdeena si aan u haysano koox xoogan xiliciyaareedka cusub”.
“Waan la hadlay Nabil Fekir, waxaan u xaqiijiyay in haddii uu nala sii joogo aan la furayno wadahadal heshiis kordhin ah, balse haddii aan iibinayno waa inaan helnaa lacag badan”.
Gool FM