(PSG) 26 Juunyo 2018. Wargeyska Faransiiska ayaa sheegay in laacibka kooxda Chelsea N’Golo Kanté uu muran xoogan la galay qoyskiisa, sababa la xirira inay ka wada hadleen ku biiristiisa kooxda Paris St Germain suuqa xagaaga.
Majalada “France Football” ee dalka France ayaa waxay shaaca ka qaaday in sarkaal ka tirsan Paris Saint-Germain uu xiriir la sameeyay qoyska N’Golo Kanté si uu uga dhaadhiciyo imaatinkiisa PSG kadib koobka aduunka 2018.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Paris Saint-Germain aysan wax xiisa ah uu ku imaanayo garoonka Parc des Princes aysan ka helin N’Golo Kanté, sidaas daraadeed waxay qaaday talaabadan.
PSG ayaa talaabadan u aragtay inay tahay mida ku haboon ay ku xaqiijin karto saxiixa N’Golo Kanté si uu ugu yimaado xili ciyaareedka soo aadan.
Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in mustaqbalka N’Golo Kanté uu ku xirnaan doono xaalada Antonio Conte inuu ka tagayo kooxda iyo inuu sii joogayo.
Gool FM.