(Moscow) 26 Juunyo 2018 Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa ka hadlay barbarihii xulkiisu uu caawa la galay xulka qaranka Denmark.
Didier Deschamps ayaa sheegay in xulkiisu uu diyaar u yahay inuu ka hortago xul walba oo ku soo aada wareega 16-ka ee koobka adduunka.
France oo ku soo baxday hogaanka guruub C ayaa ku aadi karta xulka Argentina haddii uu caawa xaqiijiyo u soo bixida wareega 16-ka.
Tababare Didier Deschamps oo ka hadlay suuro galnimada ay ku la ciyaari karaan Argentina ayaa yiri:
“Waa suurogal, laakiin waxaa haboon inaan sugno, balse wuxuu ahaan doonaa kulan adag, diyaar ayaan u nahay inaan ka hortagno xul walba”.
Gool FM