(Moscow) 08 Luulyo 2018 Daafaca xulka qaranka France ee Benjamin Pavard ayaa cabasho ka muujiyay jugtii uu u gaystay Suarez kulankii ay wada ciyaareen jimcihii.
Xulka qaranka France ayaa 2-0 uga adkaaday xulka qaranka Uruguay oo sidaas ku macsalaameeyay koobka adduunka.
Benjamin Pavard ayaa sheegay in Suarez uu meelo badan ka garaacay intii ay socotay ciyaarta, wuxuuna xaqiijiyay in meelahaas ay ilaa haatan xanuunayaan.
22 jirkaan ayaa lawaydiiyay qaabkii uu u celiyay Luis Suarez, wuxuuna yiri:
“Jug badan ayaan kala kulmay Suarez kulankii aan la ciyaarnay Uruguay, meelihii uu jugta iiga dhiftay ilaa haatan waa ay i xanuunayaan”.
Gool FM