(Moscow) 08 Luulyo 2018 Weerar yahanka xulka qaranka France ee Olivier Giroud ayaa ka hadlay kulanka ay ka hortagayaan xulka Belgium oo tababare ku xigeen uu ka yahay Henry.
Damaan xiddigaha xulka France ayaa hadal haaya in Henry uu ka hor imaanayo xulka dalkiisa talaadada, Olivier Giroud ayaana qayb ka ah ciyaartoydii ka hadlay maanta.
Giroud ayaa sheegay inuu tusi doono Henry inuu doortay xul qaldan maadaama la doonayay inuu hormariyo xulkiisa France.
“Waa sax oo waa layaab inuu naga hor yimaado Henry, waxaan isku dayi doonaa inaan tuso inuu doortay boos qaldan” ayuu yiri Olivier Giroud isaga oo qoslaya.
“Waxaan rajaynayay inuu anaga nala joogo, waa gool dhaliyaha taariikhiga ah ee xulka France waana shaqsi ay ku daysadaan ciyaartoyda oo dhan”.
“Waxaan ka rajaynayay inuu anaga nasiiyo talooyin wax ku ool ah ee ma ahan weerar yahanada Belgium, balse kama masayrsani”.
Gool FM