(Moscow) 11 Luulyo 2018 Arsene Wenger ayaa ka sheekeeyay dhibaatadii uu soo maray N’Golo Kante kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu soo bandhigay xalay.
Tababarihii hore ee Arsenal ayaa sheegay in intabadan kooxaha Faransiisku ay diideen inay la saxiixdaan Kante kaas oo haatan laga yaaban yahay qaab ciyaareedkiisa.
Dadaal badan ayuu bixiyay, laba sano oo xiriir ah ayuu Premier League la kala qaaday Leicester City iyo Chelsea, taas ayaana fursad u siisay inuu boos joogto ah ka helo xulka France oo haatan uu la gaaray Final-ka koobka adduunka.
“Kante? Wuxuu tusaale u yahay dhamaan ciyaartoyda da’yarta ah ee doonaya maalin uun inay noqdaan xiddigo caan ah, intabadan kooxaha Faransiiska ayaa diiday inay la saxiixdaan, dhibaato badan ayuu maray bilowgiisii hore” ayuu yiri Arsene Wenger.
“Laakiin waa uu dadaalay waana uu joogteeyay qaab ciyaareedkiisa, haatan fiiri, waxaa la marayaa daqiiqadii 85-aad waxaadna dareemee inuu ku jiro xaalad aad u fiican, waa laacib cajiib ah”.
Gool FM