(PSG) 19 Luulyo 2018. Wargeyska “Mondo Deportivo” ee dalka Spain ayaa sheegay in Kooxda Paris Saint-Germain ay diyaar u tahay in laacibkeeda Adrien Rabiot uu u dhaqaaqo kooxda Barcelona.
Paris Saint-Germain ayaa waxay bilaabi doontaa dhawaan wada hadalada ay la furan doonto Kooxda reer Catalonia ee Barcelona, si ay kaga wada hadlaan heshiiska Adrien Rabiot.
23 ayaa lala xiriirinayay xiliyadii lasoo dhaafay inuu u dhaqaaqi doono garoonka Cump Nou, si uu Barcelona ugu noqdo badalka Andres Iniesta iyo laacibka reer Brazil ee Paulinho.
Maamulka PSG ayaa iska indho tiray xiisaha Barcelona ee ku aadan Adrien Rabiot, laakiin waxay haatan diyaar u noqdeen in ay miiska wada hadalada la fariistaan Barcelona.
Sababta ka dambeysa in PSG ay ogolaato wada hadalada Barcelona ayaa ah in laacibka uu soo idlaanayo heshiiskiisa dhamaadka xili ciyaareedka soo aadan, waxayna maamulka ka cabsi qabaan in uu kooxda kaga dhaqaaqo beeca xurta ah, sidaas darteed waxay ku qasban yihiin inay iibiyaan suuqan xagaaga.
Gool FM.