Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Goorta la bixinayo Abaal-marinta, halka ay ka dhaceyso Xafladda, Musharixiinta iyo wax kasta oo aad uga baahan tahay FIFA The BEST

$
0
0

(Zürich) 24 Luulyo 2018. Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqi doona 10 ciyaaryahan ee ku tartami doona abaal-marinta xiddiga ugu fiican adduunka ee FIFA the Best.

Abaal-marintan ayaa illaa iyo hadda tan iyo markii ay magacan qaadatay waxaa ku guuleysay kaliya hal ciyaaryahan waana Cristiano Ronaldo.

Waxaa la arkaa inay in marka saddexaad ay nasiib u tahay mid ka mid ah xiddigaha kula xifaaltamaya sanadkan abaal-marintan sida Antoine Griezmann, Kylian Mbappe, Luka Modric ama Eden Hazard kaddib markii ay shideen tartankii Koobka Adduunka ee Ruushka.

Labadii sano ee la soo dhaafay, Musharixiinta ku tartamayey abaal-marintaan ayaa ahaan jiray 23 ciyaaryahan, balse FIFA ayaa go’ansatay inay sanadkan ku soo koobto kaliya 10 xiddig.

Liiska waxaa go’aamin doona ciyaartooy ka fariistay kubadda cagta kuwaa oo heer sare ka soo ciyaaray sida Kaka, Didier Drogba, Frank Lampard iyo kuwa kaloo la mid ah.

Marka la soo saaro liiska kama dambeysta, Kabtannada xulalka qaranka, Tababareyaasha, Taageerayaasha iyo Suxufiyiinta ayaa codeyn doona illaa 10 ka bisha Agoosto.

Kaddibna FIFA ayaa ku dhawaaqi doonta saddexda xiddig ee isugu soo hartay, iyadoo mid ka mid ah saddexdaas xiddigna loo gacan galin doono abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican sanadka.

Xafladda lagu bixinayo abaal-marintan ayaana lagu qabandoonaa Magaalada London ee Caasimadda Waddanka Ingiriiska 24 bisha September ee soo aaddan.

Koobkii Adduunka ee lagu qabtay sanadkan dalka Ruushka ayaa muujiyay in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay yihiin aadane ay ka jiifan karto, taa oo la micno ah in nuqulka saddexaad ee FIFA the Best ay cidkasta u furan tahay.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles