(Barcelona) 27 Luulyo 2018 Neymar ayaa saxiix muhiim ah ka hor istaagaya kooxdiisii hore ee Barcelona sida uu baahiyay Express.
Barcelona ayaa doonaysa dhamaystirka saxiixa laacibka qadka dhexe ee kooxda PSG ee Adrien Rabiot kaas oo heshiis afka ah la gaaray kooxda tababare Valverde.
Laakiin xiriirka u dhexeeya Barcelona iyo PSG ayaa ah mid aan fadhin kadib markii labada kooxood ay ku kala fogaadeen saxiixii Neymar uu ugu dhaqaaqay caasimada faransiiska.
Sidaas darteed Barcelona uma fududaan doonto inay si sahlan kula wareegto Adrien Rabiot maadaama labada kooxood ay ku kala fogaadeen arintii Neymar.
Agaasimaha ciyaaraha Barcelona ee Eric Abidal ayaa haatan ku howlan sidii uu isugu soo dhawayn lahaa labada kooxood, wuxuuna saaxiib dhaw la yahay milkiilaha PSG.
Uma fududaan doonto Barcelona in xaggaagan ay qaadato Adrien Rabiot, waxaana suurogal ah in kooxdu ay sugto ilaa xaggaaga 2019 markaas oo ay bilaash kula wareegi karto.
Gool FM