(Paris) 30 Luulyo 2018 Neymar ayaa la kulmay eedeyn badan kadib istuur tuurkiisa oo batay koobkii adduunka ee lagu qabtay Ruushka.
Laacibka ayaa qirtay inuu mararka qaar isku tuuro si ka badbadis ah marka la jilaafo, balse wuxuu xaqiijiyay inuu dhibtoodo inta uu ku jiro garoonka.
26 jirka reer Brazil ayaa la waydiiyay inuu ka badbadiyo istuurkiisa iyo inkale, wuxuuna yiri:
“Waad aamini kartaa inaan ka badbadiyo, laakiin mararka qaar waan ka badbadiyaa, xaqiiqda ayaase ah inaan ku dhibtoodo gudaha garoonka”.
Do not be like Neymar pic.twitter.com/voedlmIQQE
— Tshiamo (@JustTshiamo_) July 30, 2018
Neymar ayaa looga camirtay baraha buslshada markii laga sameeyay sawiro iyo muuqaalo kala duwan kadib istuur tuurkiisii koobka adduunka.
Gool FM