(London) 30 Luulyo 2018 Laacibka qadka dhexe ee Chelsea iyo xulka France ee N’Golo Kante ayaa si wayn u niyad jabiyay kooxda PSG.
Kooxda reer France ayaa dadaal wayn ku bixinaysa sidii ay u dhamaystiri lahayd saxiixa N’Golo Kante suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.
Shabakada Paris United ayaa daaha ka qaaday in N’Golo Kante uu gabi ahaanba joojiyay kulan uu la qaadan lahaa kooxda PSG isbuucaan.
PSG ayaa diyaar u ah inay ku dalbato N’Golo Kante lacag dhan 70 milyan oo euro iyo waliba goolhaye Alphonse Areola oo maraya dhanka Blues.
In Kante uu baajiyo kulankii uu la qaadan lahaa PSG ayaa lagu micneeyay mid ay ka danbayso kooxdiisa Chelsea oo aan doonayn inay iska fasaxdo.
Gool FM