(PSG) 02 Agoosto 2018. Xidiga reer Brazil ee Neymr Jr ayaa dib ugu soo laabtay kooxdiisa Paris Saint-Germain, kadib marka uu soo dhameestay fasaxii uu galay kadib koobka aduunka 2018.
Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu xaqiijiyay in 26 jirkan uu xaqiijiyay sida uu ugu faraxsan yahay dib ugu soo laabashada kooxdiisa Paris Saint-Germain.
Sidoo kale Neymar Jr ayay wararku xaqiijinayaan inuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu la shaqeeyo macalinka reer Germany Thomas Tuchel laga bilaawo xili ciyaareedka cusub.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Neymar Jr uu wadada ka jaray wararka xanta ahaa ee ku aadanaa inuu ku biirayo kooxda Real Madrid, kadib bixitaanka, Cristiano Ronaldo, si uu u buuxiyo booskii uu ka baxay.
Xidiga xulka Seleção ayaa la fahansan yahay inuu ka mid ah ahaa bar-tilmaameedyada ugu muhiimsanaa kooxda Real Madrid, laakiin kooxda reer Spain ma aysan sameyn loolan waali ah si ay u hir galiso heshiiskan.
Gool FM.