Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Mina, Zaha, Maguire, Boateng, Traore & Wargeysyadu waxyaabihii ay maanta oo Isniin ah ka qoreen suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

$
0
0

(World) 06 Agoosto 2018. Waxaan idiin soo koobnay wararka ay Wargeysyada maanta oo Isniin ah ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda.

Maanta oo Isniin ah wararka suuqa saaran ee xanta iyo xiddigaha la doonayo waxaa ka mid ah Mina, Zaha, Maguire, Boateng, Traore iyo kuwo kale.

>- Kooxda Everton ayaa heshiis la gaartay Barcelona si ay ugala soo saxiixato daafaca xulka qaranka Colombia ee Yerry Mina oo 23-sano jir ah, waxaana ay ku soo ku doonaysaa adduun dhan 28.5 milyan oo gini, iyadoo rabta inay ka saxiixato heshiis shan sanadood ah. (Sport – oo ka soo baxa Spain).

>- Everton ayaa u sheegtay Manchester United inay qaadan doonaan 28-sano jirka daafaca dambeedka dhexe ee xulka England, Chris Smalling ama daafaca reer Sweden ee Victor Lindelof oo 24-sano jir ah, haddii labada kooxood aysan ku heshiin karin saxiixa daafaca reer Argentina ee Marcos Rojo oo 28-sano jir ah. (Teamtalk).

>- Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay dalab u dirto daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Leicester City, Harry Maguire oo 25-sano jir ah, iyagoo doonaya inay ogaadaan inay bixiyaan lacagta rikoorka adduunka ee xiddiga heerka caalami ee dalka England. (Sky Sports).

>- Manchester United ayaa xiriir la sameysay kooxda Bayern Munich si ay ula soo saxiixato 29-sano jirka difaaca Jarmalka ee Jerome Boateng oo lagu qiimeeyo adduun dhan 44.5 milyan oo gini. (Bild – oo ka soo baxa Jarmalka).

>- Kooxda Chelsea ayaa ugu cad-cad inay 75 milyan oo gini kula soo wareegto xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace iyo xulka qaranka Ivory Coast ee Wilfried Zaha oo 25-sano jir ah kaddib markii ay Tottenham isaga baxday doonistiisa. (Mirror).

>- Leicester City ayaa laga soo diiday dalab 10 milyan oo gini ah oo ay ku doonaysay daafaca Brentford ee Chris Mepham oo 20-sano jir ah, iyadoo kooxda Bournemouth ay sidoo kale xiiseyneyso xiddiga xulka qaranka Wales. (Mail).

>- Crystal Palace ayaa wadahadallo la bilowday Red Bull Salzburg si ay ugala soo saxiixato Weeraryahanka Israel ee Munas Dabbur oo 26-sano jir ah. (Mail).

>- Weeraryahanka reer Spain ee Lucas Perez oo 29-sano jir ah ayaa doonaya inuu joogo Arsenal oo uu u dagaalamo booskiisa safka hore ee naadiga, iyadoo ay jirto inuu xiiso ka helayo kooxda ka dhisan Portugal ee Sporting Lisbon. (Independent).

>- West Ham ayaa soo afjartay xiisaha ay u qabtay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda FC Porto ee Yacine Brahimi oo 28-sano jir ah, kaddib markii ay ku guuldarreysteen inay heshiis shaqsi ah la gaaraan xiddiga xulka qaranka Algeria. (Sky Sports).

>- Juventus ayaa 18 milyan oo gini ku doonaysa 25-sano jirka khadka dhexe ee reer Talyaani, Stefano Sturaro kaasoo la la xiriirinayo inuu u dhaqaaqo kooxaha West Ham, Newcastle iyo Leicester. (Calciomercato).

>- Real Madrid ayaa loo sheegay inay bixiyaan 107 milyan oo gini haddii ay doonayaan inay la soo saxiixdaan Weeraryahanka kooxda Valencia iyo xulka Spain ee Rodrigo oo 27-sano jir ah, lacagtaas ayaana ah tan lagu burburin karo qandaraaskiisa. (Marca).

>- Kooxaha Championship-ka ka dheela ee Aston Villa iyo Leeds ayaa labaduba doonaya inay la saxiixdaan 25-sano jirka khadka dhexe ee xulka qaranka Northern Ireland iyo kooxda Millwall ee George Saville. (Mail).

>- Aston Villa ayaa aad ugu dhow inay la soo saxiixato da’yarka daafaca kooxda Manchester United iyo xulka England ee Axel Tuanzebe, 20-sano jirkaan ayeyna ku doonayaan inay ku soo qaataan hal xilli ciyaareed oo amaah ah. (Sun).

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles