( Lyon ) 07 Agoosto 2018. NABIL FEKIR ayaa laga saaray safka kooxda Lyon ee la cayaaraya Chelsea kulanka ugu dambeeya tartanka saaxiibtinimo waxaana laga yabaa inuu ku biiro naadiga Blues.
Kooxda ka dhisan horyaalka French ayaa ku marti ah garoonka Stamford Bridge waxayna naadiga cayaarta Premier League ay la dheeli donaan kulanka ugu dambeeya International Champions Cup.
Warar soo baxay dhawaanahay ayaa sheegaya 25 jirkaan kasoo ku dhawaaday inuu ku biiri Liverpool horaantii xagaagn ka hor inta uusan heshiiskiisa burburin xili baaritaanka caafimaad, ayaa haatan wuxuu bartilmaameed u yahay Chelsea.
Laakiin ma lahan fursad uu ku muujiyo tayagadiisa kooxda cusub marka ay isku wajayaan kulanka u dambeeya ee kulamada xagaaga fasaxa.
Fekir ayaa dhawaan kusoo laabtay tababarka kooxda horyaalka Ligue 1 kaddib markii uu kasoo laabtay nasiida koobka adduunka uu la qaaday xulkiisa France.
Iyadoona kooxda Lyon ay xaqiijisay in laacibka qadka dhexe uu ka tagay guriga si uu sii wato taam ahaan shihiisa.
Fekir ayaa ah laacib waxqabad wanaagsan isagoo xagaagii hore uu noqday kabtanka kooxda Lyon wuxuuna u dhaliyay 23 gool.
Taasi ayaana siisay inuu qeyb ka noqdo safka xulka lagu naaneyso Les Bleus’ ee ku guuleystay kooxda adduunka ee sanadkan Russia ka dhacay wuxuuna qaranka u saftay lix dheel.
Gool FM.