(Europe) 23 Agoosto 2018. PSG ayaan weli ka harin doonisteeda Ivan Rakitic oo waxayba sare u sii qaaday lacagaha ay ku dooneyso inkastoo aysan weli gaarin qiimaha lagu bur burin karo heshiiskiisa.
Camaaliqada reer France ayaa diyaarineysa adduun dhan 90 milyan oo euro si ay dalab uga gudbiso xiddiga qadka dhexe ee Barcelona sida uu warinayo Sport.
Dalabka ay PSG ka gudbineyso Rakitic ma dhama qiimaha lagu bur burin karo qandaraaskiisa Barca ee 125 ta milyan oo euro balse waxay ku rajo wayn yihiin inay heshiis gaarayaan ka hor inta uusan suuqa xirmin.
Inkastuu Rakitic ku jirin deg degsiimo uu kaga tagayo kooxda ka arimisa Nou Camp ayay misne PSG aaminsan tahay inay ku qancin karto inuu heshiis u saxiixo.
Gool FM.