(PSG) 28 Agoosto 2018. Laacibka kooxda Paris-St Germain ee Neymar Jr ayaa wuxuu wadada kasoo xirtay Real Madrid, kadib markii uu si cad u sheegay inuu doonayo sii joogi taanka PSG.
Neymar ayaa shaaca ka qaaday inuu qandaraas kula joogo PSG, isla markaana uusan dooneynin inuu u dhaqaaqo kooxda reer Spain ee Real Madrid oo ku waalan saxiixiisa.
“Waxaan heshiis waqti dheer kula jiraa kooxda Paris-St Germain, sidaas darteed kuma fikirayo in xiligaan aan ka dhaqaaqo”.
Hadalka Neymar Jr ayaa wuxuu imaanayaa xili magaca Neymr Jr lala xiriirinayay kooxda cad cadka ee Real Madrid maalmihii dhawaa ee lasoo dhaafay.
Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa wuxuu raacdo xoogan ugu jiray lasoo saxiixashada laacibka reer Brazil, kahor inta uusan xirmin suuqan xagaaga, si uu kaga dhigto badalka Cristiano Ronaldo.
Gool FM.