(France) 15 Sab 2018. Naadiga Nice ee dalka Faransiiska ayaa dhaliyaheeda Mario Balotelli ku qasabtay inuu bixiyo lacago ganaax ah kaddib markii uu dib ugu soo laabtay tababarka kooxda isagoo soo Cayilay.
Weeraryahanka reer Talyaani ayaa miisankiisu ahaa 88kg balse tababarka la isugu diyaarinayay xilli ciyaareedka cusub ayuu soo laabtay isagoo ah 103kg.
Sida uu warinayo warsidaha L’Equipe ee ka soo baxa Faransiiska in naadiga Nice ay ka carootay 15-ka kiilo ee ku soo korartay Balotelli taa oo keentay inay ganaax ku rido.
Inkastoo Mario Balotelli si adag uga shaqeeyay tababarka isla markaana uu iska riday Miisaan misane weli ma gaarin heerkii laga doonayay.
Weeraryahankii hore ee Milan iyo Inter Milan ayaa dhaleeceyn ku aadan culeyska ku soo kordhay la kulmay kulankii saaxiibtinimo uu xulka Talyaaniga la yeeshay Poland, waxaana gabi ahaan laga reebay ciyaartii ay guul darada kala kulmeen Portugal.
Yeelkeede, Mario ayaa Nice ka qaadanaya mushaar kordhin iyadoo ay jirto inuu Cayil ku kordhay isla markaana la ganaaxay.
Sida uu warinayo Gazetta ee ka soo baxa Talyaaniga in Balotelli uu daacadnimadiisa ku helay heshiis kordhin kaddib markii uu bur buray heshiiskii la sheegay inuu ugu dhaqaaqayo Marseille si uu ula sii joogo kooxdiisa Nice.
Gool FM.