(London) 15 Sab 2018 Laacibka qadka dhexe ee Chelsea iyo xulka France ee N’Golo Kante ayaa xaqiijiyay in PSG ay isku dayday saxiixiisa.
N’Golo Kante ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay joogitaankiisa Chelsea sidaas darteedna uu u fashilmay heshiiskii uu ugu biiri lahaa PSG.
Intii uu socday koobkii adduunka ayeey PSG dhawr jeer isku dayday saxiixa N’Golo Kante, laakiin Chelsea ayaa diiday inay iska iibiso 27 jirkaan.
N’Golo Kante oo waraysi gaar ah siiyay idaacada RMC ayaa yiri:
“Kuma fikirin ka tagista Chelsea kadib ku guulaysigii koobka adduunka, PSG ayaa xiisaynaysay inay ila wareegto”.
“Waan ku faraxsanahay sii joogitaankeyga Chelsea, waa wax wanaagsan inaan ka sii mid ahaado Blues waayo waan ku faraxsanahay”.
Gool FM