(Turin) 02 Okt 2018 Juventus ayaa qayb ka soo noqotay kooxaha doonaya saxiixa xiddiga reer Brazil iyo kooxda PSG ee Neymar.
TuttoSport ayaa baahisay in Juventus ay doonayso inay samayso saxiixyo xoogan suuqa kala iibsiga ee dhamaadka xiliciyaareed kaan.
Qorshaha Juventus ayaa ah inay dhamaystirto ugu yaraan saxiixyada Paul Pogba iyo Kylian Mbappe dhamaadka xiliciyaareed kaan.
Kooxda ayaa ka dhiganaysa Neymar badalka labadaan xiddig haddii ay ku guul daraysato dhamaystirka saxiixooda.
Laakiin maamulka Juventus ayaa si fiican uga war helay in Neymar uu ku sii jeedo kooxda Real Madrid oo ay adag tahay in lagula tartamo.
Gool FM