(PSG) 02 Okt 2018. Laacibka reer Brazil ee Neymar Jr ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa Paris Saint-Germain, isagoo dhinaca kale ammaanay tababaraha cusub ee kooxda Thomas Tuchel.
Neymar Jr ayaa kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulan ay kula ciyaari doonaan habeen dambe kooxda FK Crvena Zvezda ee tartanka UEFA Champions League wuxuuna ka hadlay dhowr arimood.
“Mar walba waxaan ku faraxsanahay inaan joogo Paris, mar walbana waxaan isku dayi doonaa inaan sameeyo dadaalkayga ugu fiican si aan kooxda u caawiyo”.
“Waxaan qirayaa inaan gaarin heerkeyga 100%, mana jiro xidig sidaas ah, xili ciyaareedka wali waa bilow waxaana gaari doonaa qaab ciyaareedkeyga ugu fiicnaa, waxaan isku dayaa inaan sameeyo hormar maalin kasta iyo tababar kasta”.
Gool FM.