(London) 14 Okt 2018 Tababarihii hore ee Arsenal ayaa shaqo la’aan ah tan iyo dhamaadka xiliciyaareedkii hore markaas oo uu macsalaameeyay Gunners.
ESPN ayaa daaha ka qaaday in PSG ay doonayso inay xil u magacaawdo halyeeyga reer France marka uu bilowdo sanadka cusub ee 2019.
PSG ayaa diyaar u ah in 68 jirkaan ay u magacaawdo booska gudoomiyaha guud ee kooxda si uu wax uga qabto dhibaatooyin dhanka maamulka ah oo haysta kooxda.
Arsene Wenger ayaa u sheegay PSG inuu doorbidayo shaqo tababarenimo, laakiin wuxuu u xaqiijiyay inuu sifiican uga fiirsan doono dalabkooda haddii uu waayo koox kale oo uu tababare u noqdo.
Gool FM