(France) 14 Okt 2018. Macalinkii hore kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa si weyn ugu taageeray Thierry Henry, shaqada tababarka kooxda reer France ee Monaco ee dhawaan loo magacaabay.
Monaco ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in halyayga kooxda Arsenal iyo xulka qaranka France ee Thierry Henry ay u magacaawday macalinka cusub ee kooxdooda si uu u noqdo badalka Leonardo Jardim oo shaqada khamiistii lasoo dhaafay laga ceyriyay.
Laakiin Arsene Wenger oo shaqada tababarka ee kooxda Arsenal ka tagay xili ciyaareedkii lasoo dhaafay kadib mudo dhan 22 sano ayaa wuxuu u arkaa in Thierry Henry uu heysto wax walba uu guul ku gaarsiin lahaa Monaco, laakiin wuxuu u diray faa’iido u leh, isla markaana wax weyn ka tari doonto noloshiisa, kadib markii uu macalin noqday.
Waxyaabaha ay wadaagaan ama ay ka siman yihiin Arsene Wenger iyo Thierry Henry ayaa ah ka shaqeynta kooxda Monaco, kadib markii uu isna Wenger horey macalin kaga soo noqday kooxda reer France, halka 41 jirkan uu isna xirfadiisa tababarka ee kubada cagta ka bilaabay kooxda ka ciyaarta horyaalka Faransiiska.
68 jirkaan ayaa yiri: “Waa hubaal in Thierry Henry uu sameeyay doorasho fiican”.
“Wuxuu heystaa kalsooni badan, waa ciyaaryahan caqli badan, isla markaana si wanaagsan u fahmi kara kubada cagta, waana sababta uu u leeyahay wax walba oo uu u baahan yahay, sida ciyaartoy badan ee heerkan gaaray”.
“Laakiin marka aad bilowdo, waa inaad nasiib u yeelataa, wuxuu u baahan doonaa inuu dabeecad wanaagsan sameeyo, waa inaad shaqadan ku bixisaa naftaada oo dhan.”
Gool FM.