(France) 15 Okt 2018. Difaaca kooxda Atletico Madrid ee Lucas Hernández ayaa u arka in saaxiibkiis ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Chelsea N’Golo Kanté uu muhiim ka yahay shaxda xulka qaranka France, marka loo fiiriyo shaqsiyada uu kala soo muuqdo gudaha garoonka.
Xulka uu hogaamiyo Didier Deschamps ee France ayaa iska cadeed inay si weyn u tabeen 27 jirka kooxda Chelsea, maadaama uusan ka qeyb qaadan xitaa daqiiqad kulankii saaxiibtinimo ay kula ciyaareen Iceland, kaasoo kusoo idlaaday barbaro 2-2 ah.
Laakiin N’Golo Kanté ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laaban doono shaxda xulkiisa qaranka France kulanka la wada sugayo ay Talaadada soo socota kula ciyaari doonaan Germany tartanka UEFA Nations League.
Balse difaaca kooxda Atletico Madrid ee Lucas Hernández ayaa kahor kulanka Talaadada ay kula ciyaari doonaan Germany UEFA Nations League sheegay in N’Golo Kanté uu muhiim u yahay shaxda xulka qaranka France.
“Shaqsiyada uu kala soo muuqdo gudaha garoonka, iyo rabitaankiisa, ayaa waxay ka dhigeysaa inuu noqdo xidig muhiim ah”.
“Meel walba uu joogo, wuxuu soo celiyaa 15 ilaa iyo 20 kubadood kulankiiba, wuu adag yahay, inaad heysato xidig khadka dhexe ee isaga oo kale ah ayaa waxay muhiim u tahay kooxda”.
Gool FM.