(Paris) 03 Nof 2018 Kooxda PSG ee dalka France ayaan la daahin inay jawaab ka bixiso fadeexadii ku habsatay iyaga iyo Manchester City.
Football Leaks ayaa fakiyay sir ahayd in Michel Platini iyo Gianni Infantino ay ka caawiyeen kooxaha PSG iyo Man City inay jabiyaan sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub.
Waxay ahayd in ganaax culus la dul dhigo labadaan kooxood isla markaana laga ganaaxo Champions League laakiin heshiis ay la gaareen madaxdii waqtigaas ee UEFA ayaa keentay inaan la ganaaxin.
Kadib markii uu soo baxay warkaan ayeey PSG soo saartay bayaan ay uga jawaabayso eedeyntaan oo u qornaa sidaan:
“PSG marwalba si haboon ayeey u dhawrtaa sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub iyo waliba sharciyada kale ee FIFA, Kooxduna waxay si adag isaga fogaynaysaa eedeyntii la faafiyay”.
“UEFA iyo dadka oo dhan si buuxda ayeey u la socdeen heshiiskii aan la galnay 2014 wasaarada dalxiiska ee dalka Qatar”.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in PSG ay tahay 7-dii sano ee u danbeeyay koox si wayn u ilaalisa sharciga kubadda cagta iyaga oo heshiisyo kala duwan la galay la taliyaal ku takhasusay sharciyada kubadda cagta.
Gool FM