(Nyon) 03 Nof 2018 Majalada dalka Jarmalka ka soo baxda ee Der Spiegel ayaa daaha ka qaaday macluumaad ruxaya kubadda cagta yurub.
Der Spiegel oo soo xiganaysa barta faafisa siraha qarsoon ee Football Leaks ayaa daaha ka qaaday war ka yaabiyay kooxaha yurub.
Majalada ayaa baahisay in madaxdii UEFA ee Michel Platini iyo Gianni Infantino ay lacago ka qaateen kooxaha PSG iyo Manchester City si ay u qariyaan inay jabiyeen sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub.
Labadaan masuul oo markaas madax ka ahaa xiriirka kubada cagta yurub ayaa qaatay 1.8 milyan oo euro si ay ganaax uga badbaadiyaan kooxaha PSG iyo Manchester City ee gacanta ugu jira xukuumadaha Qatar iyo Imaaraatka.
Xoghayihii UEFA ee Gianni Infantino oo iminka ah madaxwaynaha FIFA ayaa la sheegay inuu is hortaagay in ganaax lagu rido kooxaha PSG iyo Man City kadib markii ay jabiyeen sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub.
Infantino ayaa si gaar ah ula kulmay madax sare oo ka socotay PSG wadahadal dhex maray labada dhinac ayaana lagu qanciyay masuulkaan inuu qaato lacag oo uu qariyo xaqiiqda jirta taas ayaana dhacday.
La soco fadeexooyinka kale ee daaha laga qaaday……!
Gool FM