(Europe) 22 Nof 2018. Labada xiddiga ee ugu qaalisan kubbada cagta adduunka ee Neymar iyo Mbappe ayaa dhaawacyo soo gaaray hal habeen mar ay gudanayeen waajibaadka xulalkooda Brazil iyo France.
Neymar ayaa dhaawac muruqa ah looga saaray kulankii uu xulkiisa 1-0 uga adkaaday Cameroon halka da’yarka isna dhaawac garabka ah uga baxay ciyaartii uu xulkiisa goolka madiga ah uga adkaaday Uruguay.
Paris Saint-Germain ayaa war ay soo saartay ku xaqiijisay in labadeeda laacib ay u baahan yihiin tijaabooyin dheeri ah ka hor kulanka Champions League ay usbuuca soo socda ku wajihi doonaan Liverpool.
Inkastoo ay kooxdu xaqiijisay in dhaawacyda gaaray Neymar iyo Mbappe uusan ahayn mid halis ah misane waxay xaqiijisay in la dabiibi doono ka hor inta aan la go’aamin haddii ay taam u yihiin kulanka Reds ee 28-ka bishan November.
“Waxay mari doonaan 48-saacadood oo la dabiibi doono ka hor inta aan qiimeyn dheeri ah lagu sameyn.”. Warbixinta kooxda PSG ayaa sidaa lagu sheegay.
Gool FM.