(PSG) 03 Dis 2018. Kooxda ka dhisan dalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain ayaa qarka u saaran inay iibiso xidigeeda khadka dhexe ee Adrien Rabiot, iyadoo ay wararka sheegayaan in PSG ay go’aamisay qiimaha ay kaga iibin doonto laacibkeedan kooxda Barcelona, kadib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.
23-jirkaan ayaa la filayaa in heshiiska uu ku joogo kooxda Paris Saint-Germain uu soo idlaado dhamaadka xili ciyaareedkan 2018/2019, iyadoo aysan wali maamulka PSG ku qancinin inuu saxiixo heshiis cusub uu kusii joogi doono garoonka Parc des Princes.
Qaab ciyaareedka xidigan khadka dhexe ayaa soo jiitay dhamaan indhaha kooxo badan ee qaarada Yurub ah, oo ay ugu horeyso kooxda Barcelona, oo isha ku heysa saxiixyada xidigo badan ee si wanaagsan kaga ciyaari kara khadka dhexe uu ka mid yahay Adrien Rabiot.
Wargeysyada gudaha dalka France ayaa sheegtay in kooxda Paris Saint-Germain ay diyaar u tahay inay ku iibiso Adrien Rabiot suuqa furmi doono bisha Janaayo qiimo dhan 15 milyan euro.
Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd kadib markii ay shabakada RAI Sport ay daboolka ka qaaday in Adrien Rabiot inuu heshiis la gaaray kooxda Barcelona, si uu ugu biiro bisha Janaayo ee soo aadan.
Gool FM.