(PSG) 03 Dis 2018. Laacibka khadka dhexe ee kooxda Paris-St Germain Marco Verratti ayaa ka hadlay dhaawaca soo gaaray saaxiibkiis Neymar Jr kulankii France Ligue 1-ka ay xalay barbaraha 2-2 kula galeen naadiga Bordeaux.
Marco Verratti ayaa kulanka kadib la wadaagay saxaafada wuxuuna yiri: “Waa xaalad murugo badan, Neymar Jr waa inuu kasoo kabtaa dhaawaca uu qabo, ma uusan u ahayn diyaar 100% kulankii Liverpool, balse wuxuu ku qasbanaaday inuu ka qeyb qaato kulanka, wuxuuna bixiyay dadaal xoogan”.
“Waxaa inoo haray kulan kaloo aad u adag ee ah tartanka Champions League waxaana la ciyaari doono kooxda Red Star Belgrade, waana inaan sugnaa oo aan aragnaa sida ay noqon doonto xaalada Neymar Jr”.
Intaas kadib Marco Verratti ayaa ka hadlay abaal marinta la wada sugayo ee xidiga ugu fiican aduunka Ballon d’or, wuxuuna saadaaliyay inuu ku guuleysan doono saaxiibkiis Kylian Mbappé.
“Waxaan u saadaalinayaa inuu ku guuleysan doono Kylian Mbappé abaal marinta Ballon d’or, Wuxuu sameeyay guulo cajiib ah isagoo jira da’aada 19 jir”.
Ugu dambeyn Marco Verratti ayaa muujiyay sida uu kaga xun yahay barbarihii ay la galeen kooxda Bordeaux, kulankii horyaalka Faransiiska.
“Waxaan dooneynaa inaan badino dhamaan kulamada xitaa haddii aysan suurtogal aheyn, barbaraha kulankii Bordeaux waa musiibo, laakiin kooxda naga soo horjeeda ayaa waxay ahayd koox aad u wanaagsan, waxayna u ciyaareen si adag, waxay bixiyeen qaab ciyaareed cajiib ah, waxayna ugu dambeyn awoodeen inay helaan barbaro”.
Gool FM.