Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Luka Modrić oo ka hadlay dareenkiisa kadib markii loo caleemo saaray abaal marinta Ballon d’Or 2018

$
0
0

(Paris) 04 Dis 2018. Laacibka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Luka Modrić ayaa ka hadlay dareenkiisa kadib markii uu ku guuleestay markii ugu horeesay taariikhda abaal marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or 2018, wuxuuna ku garaacay abaal marintan ciyaartoy waaweyn, inkastoo uu loolan adag kala kulmay.

Luka Modrić ayaa soo afjaray gacan ku heynta abaal marintan Ballon d’Or ee xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, kuwaasoo kusoo guuleestay mudada 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Laacibka khadka dhexe ee reer Croatia ayaa nasiib u yeeshay inuu qoro cutub cusub, taasoo u ogolaaneysa in ciyaartoy kale ee hor leh ay u tartamaan abaal marintan.

33 jirkan ayaa kadib markii loo caleemo saaray abaal marinta Ballon d’Or 2018, wuxuu ka hadlay dareenkiisa waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waa dareen gaar ah iyo sharaf weyn, waxaan dareemayaa waxyaabo badan balse ay adag tahay inaan muujiyo, waxaan u mahad celinaayaa dhamaan shaqsiyaadka iga caawiyay inaan guushan gaaro, macalinka, ciyaartoyda iyo dhamaan shaqaalaha kooxda Real Madrid”.

“Waxaan u mahadcelinayaa sidoo kale tababarayaasha, saaxiibadey xulka qaranka Croatia, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa qoyskeyga, xaaskeyga iyo caruurteyda, waxay iga caawiyeen dhamaan dhinacyada kala duwan ee xirfadeyda iyo in aan halkan soo gaaro”.

“Waayaheena caruurnimadeena qof walba ee inaga mid ah wuxuu lahaa riyo, aniga riyadeyda waxay ahayd inaan u ciyaaro koox weyn, isla markaana aan ku guuleysto koobab, balse ku guuleysiga abaal marintan Ballon d’Or waa wax ka badan riyo”

“Inaad ku guuleysato abaal marintan Ballon d’Or waa sharaf iyo qadarin, hadii aan ku guuleestay Ballon d’Or taasi waxay ka dhigan tahay in aan sameeyay sanadkan wax qaas ah”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles