(France) 13 Jan 2019. Macalinka xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaan wali ilaabin eedeymaha uu kala kulmay weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema sanadii 2016-kii.
Karim Benzema ayaa ku eedeeyay tababare Didier Deschamps inuu yahay mid midabtakoor badan, kadib wareysi uu bixiyay sanadkii 2016, isagoo dhinaca kale sheegay in ciyaartoyda xulka qaranka France uu ku kala xusho qaab cunsuri ah.
Hadaba Deschamps ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu ku muujiyay sida uusan u ilaabin wali dhaleeceynta uu kala kulmay Benzema wuxuuna yiri:
“Dadka qaar ayaa ka hadli kara waxyaabo ka baxsan macnaha oo dhan, marnaba ma ilaawi doono”.
“Waxaan u qaatay inuu dhaafay dhamaan xuduudaha waqtigaas, ma dhicin marna inaan u xusho ciyaaryahan arinta ku saleysan midab ama diin”.
Si kastaba Karim Benzema ayaanan kasoo muuqan xulka qaranka France tan iyo sanadkii 2015, sababa la xiriira in isaga iyo saaxiibkiis Mathieu Valbuena lagu eedeeyay fal anshax xumo ah.
Gool FM.