(Brazil) 15 Jan 2019. Halyayga reer Brazil ee Pele ayaa cadeeyay waxa uu kala jeedo eedeymaha uu mararka qaar u jeediyo xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee kooxda PSG ee Neymar Jr.
Pele ayaa wareysi uu siiyay majalada caanka ah French Football ee dalka France ayaa wuxuu ku sheegay:
“Aabaha marna wax ma dhaleeceeyo ee wuu ogyahay, wax walba ee aan xaqiijinayo ee quseeya Neymar Jr, sababtoo ah wuxuu ka mid yahay wiilasha kooxda Santos”.
“Dadka qaar waxay u maleynayaan inaan mar walba rabo eedeynta Neymar Jr, lakiin aniga waxaan sidaas aan u sameenayo ayaa ah isaga dantiisa, sababtoo ah waxaan la doonayaa waxa ugu fiican isaga, ciyaartoyda kale ee reer Brazil iyo sidoo kale kuwa ugu fiican ee dalkeena, iyada oo aan wax welwel ah ka qabin fal celinta”.
intaas kadib Halyayga reer Brazil ee Pele ayaa ka hadlay da’ayarka reer France ee Kylian Mbappé wuxuuna yiri:
“Mbappé wuxuu ku guuleystay Koobka Aduunka isagoo 19 sano jir ah, halka aan anigana sidoo kale ku guuleystay koobkeygii ugu horeeyay anigoo 17 jir ah, waxaan u arkaa inuu yahay nuqulka cusub ee ah Pele, mana ahan kaftan, dad badan ayaa sidaas u maleynaya”.
Gool FM.