Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Faahfaahin dheeri ah oo laga helayo xaalada dhaawac ee Neymar Jr, (Miyuu seegi doonaa kulanka Manchester United?)

$
0
0

(PSG) 28 Jan 2019. Waxaa la xaqiijinayaa in xidiga reer Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr uu seegayo kulanka lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League ay ku wada ciyaarayaan kooxda Manchester United.

Neymar Jr ayaa dhaawaca uu haatan qabo wuxuu soo gaaray todobaadkii hore, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dhaawaca uu la mid yahay sida kii soo gaaray xili ciyaareedkii hore.

Radio Monte Carlo ayaa xaqiijiyay in Neymar Jr uu seegi doono lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Manchester United ayaa kula ciyaari doonta kooxda Paris Saint-Germain 12-ka bisha soo aadan ee Febraayo garoonkeeda Old Trafford, isla waqtigaasna Neymar Jr ayaa u baahnaan doona inuu maro qaliin isla markaana wuxuu gali doonaa xaalad soo kabasho si uu qeyb kaga noqdo kulanka lugta labaad.

Hadaba tababaraha kooxda PSG Thomas Tuchel oo ka hadlayay xaalada dhaawac ee Neymar Jr ayaa wuxuu yiri:

“Waa wax laga naxo kadib dhaawacii Marco Verratti, markana Neymar Jr”.

“Waa ciyaartoy muhiim ka ah kooxda, waa ciyaartoy tayadooda ay aad u wanaagsan tahay, waan u xiisi doonaa mudada ay kooxda ka maqnaan doonaan, laakiin waa inaan la doodnaa nafteena si aan u helno xalka dhibaatadan”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles