Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Manchester United oo dalabkii ugu qaalisanaa kubadda cagta u gudbinaysa PSG si ay u soo iibsato Neymar

$
0
0

(Manchester) 17 Feb 2019.  Kooxda kubadda cagta Manchester United ee waddanka Ingiriiska ayaa lagu warramayaa in ay dalabkii ugu qaalisanaa taariikhda kubadda cagta u gudbin doonto kooxda Paris Saint-Germain ee Faransiiska si ay ula soo wareegto xidigga Reer Brazil ee Neymar Junior.

Wargeyska isbuuclaha ah ee ‘Don Balon’ ee Spanish-ka ka soo baxa ayaa sheegaya in tababaraha kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjaer uu doonayo in uu lacag gaareysa 262 milyan oo Gini (337 milyan oo dollar) Old Trafford ku keeno Neymar, waas haddii xagaagani si toos ah Solskjaer loogu magacaabo tababaraha rasmiga ah ee United.

Haddii ay Manchester United u suuro gasho inay soo iibsato Neymar waxa ay kooxdaasi ku soo kordhin doontaa wax badan, maadaama Neymar hadda uu yahay ciyaaryahanka 3-aad ee ugu fiican kubadda cagta caalamka marka laga reebo Cristiano Ronaldo iyo Messi.

PSG ayaa 2017 waxa ay Neymar kula soo wareegtay heshiis ku kacayay 222 milyan oo Euro, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Neymar uusan sidii la rabay ula qabsan PSG tan iyo markii uu yimid, isla markaana doonayo in uu kooxaha kale ee waaweyn ku biiro.

Laakiin sidaas oo ay tahay Neymar waxa uu 53 kulan oo uu PSG uu u dheelay u dhaliyay 48 gool taasoo keentay in ku guuleystaan horyaalka Faransiiska xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, halka xilli sanadkanna ay hoggaaminayaan kala sarreynta kooxaha Ligue 1.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles