(Marseille) 05 Maarso 2019. Weli waxaa baraha bulshada ee dhanka Internet-ka lagu falanqeynayaa qaabkii yaabka lahaa ee weeraryahanka cusub ee kooxda Marseille Mario Balotelli uu ugu dabaal degay gool uu ka dhaliyay kooxda St-Etienne, ciyaartaas oo ka tirsanayd Ligue 1 kuna dhammaatay 2-0.
Balotelli oo goolkani dhaliyay daqiiqaddii 12’ ayaa waxaa uu durbadiiba doontay taleefoonkiisa kaddibna video uu la galay saaxiibadiisa iyagoo dabaal degaya uu toos u geliyay Instagram-kiisa.
Xidiggii hore ee Nice ayaa weli waxyaabo funny ah samaynaya, waxaana taageerayaasha kubadda cagtu ay sheegeen in haddiiba ay arkayaan Mario oo faraxsan ay iyaguna faraxsan yihiin.
Marseille waxay kaalinta 4-aad kaga jirtaa kala sarreynta kooxaha Faransiiska iyadoo leh 44 dhibcood.
Gool FM