(Yurub ) 7 March 2019 kooxda Arsenal ayaa booqan doonta kooxda reer Farance ee Rennes kulan katirsan lugta koowaad ee wareega 16-ka ee tartanka Europe league .
Rennes ayaa qaadatay todobaad nasiino ah si ay juhdigooda oo idil isagu geeyaan sidii ay uga badin lahaayeen kooxda Arsrnal .
Arsenal ayaa dooneysa in ay meel wanaagsan ka garaan tartankan wallow kooxa kale oo magac weyn ay qeeb kayihiin sandkan , Tottenham ayey bareejo la soo dhaafi waayeen balse kulan waxa ay soo galayaan iyaga oo u baahan guul .
Wararka labada koox kahor kulanka :
Rennes’ kulankii ay la heed kooxda Nimes dhamaadkii asbuuca ayaa la joojiyey si ay isagu diyariyaan kulanka Arsenal ee lugta koowaad ee wareega 16-ka ee tartanka Europe League .
Kooxda reer French waxaa safkooda ka maqan shan xidiga oo kulanka ku seegaya dhaawacyo kala duwan .
Xidigii hore ee kooxda Newcastle ee Hatem Ben Arfa iyo xiidga waqtika dheer ay baadi goobka ugu jirta Arsenal ee Ismaila Sarr ayaa ka soo muuqan doono kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayo.
Hamari Traoré ooka ciyaara dambeedka daafac midig ayaa kulankan ku seegaya ganaax waxaana badalkiisa loo isticmaali doonaa Benjamin Andre oo dib uga soo laabtay dhaawac.
Alexandre Lacazette ayaa seegi doona labada is arag ee ay la yeelanayaa kooxda Renneskaddib markii xiriirka UEFA ayaa laacibka reer farnce ay ugu darneen labo kula oo kale oo ganaax ah . Pierre-Emerick Aubameyang ayaa hogaamin doona weerarka kooxda Arsenal .
Lucas Torreira ayaa ku soo bilaaban kara kulanka caawa madaama kulamada horyaalka uusan kooxdiisa matali doonin sedex kulan oo soo socda kaddib markii uu qaatay kaar casaan kulankii Tottenham .
Ainsley Maitland-Niles ayaa soo fadhiistay kursiga keedka kulankii ay wajaheen kooxda Tottenham sabtidii , balse waxa uu rajeynayaa in uu ku soo bilowdo kulanka ay caawa la qaadan doonaan kooxda Rennes , geesta kale Mesut Özil ayaa dhankiisa xulasha koowaad ee kulanka noqon kara.
Ogeysiiska kulanka :
Kulanka : Rennes VS Arsenal ( Europe League )
Goobta : Roazhon Park
Goorta : 8:55 oo habeenimo
Garsoorka: Ivan Kruzliak (Slovakia)
Xaqiiqooyinka ciyaarta :
Rennes waxa ay noqon doontaa kooxdii 10-aad oo kala ka disan oo ka socda Farcne oo ay wajahdo kooxda Arsenal , dhamaan sagaalkii kulan ee hore Arsenal wee ay wada badisay .
Arsrnal marna aysan qasaarin kulan kamida kulamada ay wajahdo kooxda reer Farnce iyada oo ku ciyaareysa meel ka baxsan garoonkeeda . Waxa ayna ka heysataa rikoor ah ( 8-guul iyo 5-bareejo)
Kooxda Rennes ayaa marti gilin doonta koox ka socota Engalnd markeedii labaad taariikhda ,markii ugu horeysay ee koox England ka socota ay marti giliso waxa ay aheyd July 2001 markaas oo ay la ciyaartay kooxsa Aston Villa .
Waa markii 16-aad oo xiriir ah oo ay Arsenal soo tiigsato wareega 16-ka tartamada yurub rikoorkan xiriirka ah ayaa soo bilowday xili ciyareedkii 2003-4 , 14-kamida waxa ay soo xaadireen tartanka Champions League halka sandkii ugu dambeyey ay soo xaadirtay tartankan.
Rennes weerarkooda Ismalia sarr ayaa ku lug yeeshay shaan gool xili ciyaareedkan tartanka Europe League ( 3-gool iyo 2-caawin) waana in kabadan xidig kasta oo kooxdiisa u ciyaara .
Eeg shaxaha macquulka ah ee labada koox :
GOOL FM