Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Lionel Messi oo dhalinta laadadka xorta ah kaga badan kooxo waa weyn oo ka dhisan Yurub oo ka mid tahay Real Madrid tan iyo 2011/12

$
0
0

(Barcelona) 21 Maarso 2019. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa tan iyo xilli ciyaareedkii 2011/12 laadadka xorta ah (free-kicks) kaga badan kooxo waa weyn oo ay ka mid tahay Real Madrid.

Leo Messi ayaa dhaliyey 25 free-kick tan iyo markii uu bilowday xilli ciyaareedkii 2011/12, waana in ka badan inta laadad xor ah ee ay dhaliyeen kooxo waa weyn oo ka dhisan shanta horyaal ee ugu weyn Yurub oo ay ka mid tahay Real Madrid.

Xiddiga xulka qaranka Argenine kaasoo hoggaaminaya gooldhalinta shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub haatan ayaa dhaliyey 29 gool 26 kulan oo uu ciyaaray horyaalka La Liga.

Messi ayaa sidoo kale shabaqa gaarsiiyey saddexleeydiisii 51-aad (hat-trick) ee xirfaddiisa ciyaareed kulankii ay kooxdiisa FC Barcelona 4-1 ku garaacday dhowaan Real Betis.

Laacibka shanta goor ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa laadadka xorta ah kaga badan kooxaha waa weyn ee AS Roma, Liverpool, Paris Saint-Germain iyo Real Madrid tan iyo xilli ciyaareedkii 2011-12.

Lionel Messi ayaa dhaliyey 25 laadadka xorta ah tan iyo xilli ciyaareedkii 2011/12, halka Real Madrid oo dhan ay tan iyo xilli ciyaareedkaas dhalisay 24 free-kick, Lyon 22 ayey dhalisay, Roma iyo Paris Saint-Germain ayaa min 21 free-kick dhaliyey mudadaas, halka Liverpool ay saxiixday 19 laadadka xorta ah.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles