(World) 03 Apriil 2019. Shabakadda ciyaaraha ee France Football ayaa sii daysay liiska xiddigaha ugu mushaarka badan kubadda cagta adduunka.
Weeraryahanka ahna kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa baaqi ku sii ah halka ugu sarreysa, xiddiga reer Argentina ayaana ah laacibka ugu mushaarka badan kubadda cagta adduunka waqtigan sida warbixinta lagu sheegay.
Inkastoo uusan ku guuleysan Ballon d’Or tan iyo sanadkii 2015-kii haddana Messi ayaa ka mushaar badan Cristiano Ronaldo, kaasoo ku guuleystay abaal-marintan sanadihii 2016 iyo 2017.
Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia ee Luka Modric kaasoo abaal-marinta Ballon d’Or ku guuleystay sanadkii dhammaaday ee 2018 ayaa ku guuldarreystay inuu ka soo muuqdo liiska 20-ka laacib ee ugu mushaarka badan kubadda cagta adduunka.
Xaqiiqdii laacibkan reer Croatia ee Modric waxaa liiskan ku garaacay xiddigaha ay ka wada tirsan yihiin kooxda Real Madrid ee kala ah Gareth Bale, Toni Kroos iyo Sergio Ramos oo ka soo muuqday liiska 20-ka xiddig ee ugu mushaarka badan.
FG: Waa wadar ahaan lacagaha soo gala ciyaartoydan oo ay ku jiraan mushaarka gunnooyinka iyo xayeysiimaha.
Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska 20-ka laacib ee ugu mushaarka badan kubadda cagta adduunka, kooxaha ay ka tirsan yihiin & xiddig waliba mushaarka uu qaato:-
Gool FM.