(Paris) 03 Apriil 2019. Weeraryahan Neymar Jr ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Paris Saint-Germain kaddib muddo uu dhaawac la maqnaa.
Waxa uu Neymar dib ugu soo laabtay maanta oo Arbaco ah tababarka kooxdiisa Paris Saint-Germain kadib markii uu dhaawac cagta ah la maqnaa muddo labo bilood iyo bar ah.
PSG ayaa rajaynaysay inay Neymar dib u hesho lugtii labaad ee kulankii siddeed dhammaadka Champions League oo ay Man United guuldarrada kala kulmeen, iyadoo ka soo laabtay 2-0 oo ay lugtii hore ku soo adkaatay kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska, laakiin arrintaasi ma dhicin.
Maanta ayuu tababarka kooxda dib ugu soo laabtay waxaana 27-sano jirkaan uu bartilmaameedsanayaa inuu ciyaarista kooxdiisa dib ugu soo laabto kulanka French Cup final oo ay ciyaari doonaan 27 bishan April, haddii ay ka gudbaan afar dhammaadka tartankan oo ay la ciyaarayaan caawa Naadiga Nantes.
Tababare Thomas Tuchel ayaa dhinaca kale sheegay in PSG ay ka maqnaan doonaan kulanka Nantes ee caawa xiddigaha kala ah Edinson Cavani, Angel Di Maria iyo Thomas Meunier.
SAWIRRO:
Gool FM.