(Manchester) 04 Abriil 2019. Sida wararku ay sheegayaan saddex ka mid ah kooxaha waa weyn ee ka dhisan qaaradda Yurub ayaa ku dagaalamaya saxiixa goolhayaha naadiga Manchester United ee David de Gea.
Real Madrid, Juventus iyo Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay weli xiiseynayaan Goolhaye David de Gea, inkastoo Manchester United ay diidan tahay inay iska iibiso.
The Red Devils ayaa wadahal kula jirtay wakiillada goolhayahan si uu u saxiixo heshiis cusub oo waqti dheer ah 18-kii bilood ee la soo dhaafay.
De Gea ayaa diiday inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Man United, sababtoo ah kooxda ayaan dooneynin inay bixiso lacagaha mushaaraadka ah ee uu dalbanayo todobaadkii oo dhan 350,000 oo gini.
Man United waxa ay indhaha ku haysaa inay heshiiska goolhayahan reer Spain ku kordhiso 12 bilood oo ay dooq u haysato, laakiin waxay haatan wajahayaan rajada laga qabo inay lacag la’aan ku waayaan haddii aysan lacag kaash ku iibsan xagaagan.
Sida ay warinayso Jariiradda The Express kooxda ka dhisan horyaalka Premier League ayaan dooneynin inay ganacsi ku sameyso De Gea, xitaa haddii uusan qalinka warqadda duldhigin, saddexda kooxood ee Yurub ka dhisan ayaana sii wadi doona inay kormeeraan xaaladda.
Madrid, Juventus iyo PSG ayaa u muuqda inay bixin doonaan qiimaha 28-sano jirkaan si ay uga dhigtaan goolhayahooda koowaad.
Gool FM.