(France) 20 Maajo 2019. Kooxda kubadda cagta Lille ayaa go’aan ka gaartay mustaqbalka xiddigooda weerarka kaga ciyaara Nicolas Pepe kaas oo ay ku raad joogaan kooxaha Man United & Arsenal, waxeyna xaqiijiyeen inuu ka tagayo marka uu dhamaado fasalkaan.
23-jirkaan heerka caalami ayaa dhameysanaya xilli ciyaareed qurux badan maadaama uu kooxdiisa u sahlay iney ka galaan horyaalka kaalinta labaad, sidoo kalana xiddigaan wuxuu shabaqa haleelay 23-jeer dhamaan tartamada oo dhan isagoo sidoo kale caawiyay 12-gool.
Xiddigaan wuxuu noqday hadal heynta kooxaha yurub, dhawr jeer ayeyna wakiilo soo daawanaya hanaankiisa soo gaareen garoonka Stade Pierre Mauroy.
Tababaraha Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya weeraryahankaan xirfadda badan isla markaana sida dhaqsada leh go’aanada u gaara, qaar ka mid ah shaqaalaha kooxda ayaana warbixin kasoo gudbiyay ka hor inta aysan kooxda u dhaqaaqin xiddigaan lagu qiimeeyo 45 Malyan oo Pound.
Dhanka kale Arsenal ayaa indhaha la raaceysa Pepe, sidoo kalana kooxaha Paris Saint Germain iyo Bayern Munich ayaan ka marneyn baadi goobka xiddigaan kasoo jeeda qaaradda Africa.
Gerard Lopez ayaa xaqiijiyay isbuucii lasoo dhaafay iney jiraan kooxo xiiseynaya xiddigaan.
Sidoo kalana wareysi uu siiyay Canal+ tababaraha kooxda Lille (Christophe Galtier) ayuu ku yiri: “Nicolas Pepe wuu baxayaa, nolosha waa iska sidaas, kubadda cagta maanta ayaana sidaas ah”
“Waa xiddig heerkiisu sarareeyo kaas oo qaatay go’aan uu ku dooranayo kooxdiisa xigta, waxaana jiri doona tartan u dhaxeyn doona kooxaha qaaradda yurub” ayuu tababaraha hadalkiisa sii raaciyay.
Gool FM