Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Mbappe oo wali rajo ka muujiyay in Messi uu ku garaaci karo abaal-marinta kabta dahabka ah ee gooldhalinta Yurub

$
0
0

(Yurub) 20 Maajo 2019. Weeraryahanka da’adda yar ee kooxda Paris Saint Germain Kylain Mbappe ayaa sheegay inuu ku faraxsan inuu kula tartamo kabtanka kooda Barcelona ee Lionel Messi abaal marinta kabta dahabka ee ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan horyaalada Yurub ee xilli ciyaareedkan.

Kylain Mbappe ayaa ilaa iyo haatan ka dhaliyay 32 gool xili ciyaareedkan horyaalka France Ligue 1, wuxuuna 4 gool u jiraa Lionel Messi oo isna dhaliyay 36 gool, laakiin xiddiga kooxda PSG uu wali u harsan yahay hal kulan ee ah horyaalka.

Hadaba wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu daabacay wareysi uu bixiyay Kylain Mbappe, kaddib markii xalay la gudoonsiiyay abaalmarinta xiddiga ugu fiican horyaalka wuxuuna yiri:

“Waxaan nafteyda u sheegay in xitaa hadii aan guuldareysto, ay noqon doonto midaan kaga hor imid Lionel Messi oo ah mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican taariikhda”.

“Inaan ku fikiro inaan ku guuleysan karo abaal marinka gooldhaliyaha ugu sareeya Yurub ilaa iyo ciyaarta ugu dambeysa, waa arin aan ku faanayo, laakiin tartanka wali ma uusan dhamaanin”.

Messi ayaa farqiga goolasha u dhexeeya isaga iyo Mbapp gaarsiiyay ilaa iyo 4 gool, kaddib markii uu xalay kooxda Eibar ka dhaliyay 2 gool, kulankoodii ugu dambeeyay horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkan.

Paris Saint-Germain ayaa kula ciyaari doonta kulankeedii ugu dambeeyey ee horyaalka France Ligue 1 kooxda Reims habeenka Jimcaha soo aadan, waxayna noqon doontaa fursadii ugu dambeysay ee Kylain Mbappe, si uu u soo barbareeyo Messi ama uu kaga sara maro.

Gool FM.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles