(Paris) 20 Maajo 2019. Weeraryahanka da’da yar ee Paris Saint Germain. Kylain Mbappe ayaa xalay kasoo muuqday xafladda lagu bixinayay abaal-marinnada horyaalka League 1, isagoo hor fadhiya tababarahiisa Thomas Tunchel ayuuna soo jeediyay iney suuragal tahay ka bixitaankiisa kooxda ka dhisan Paris.
Laacibka reer France ayaa la guddoonsiiyay abaal-marinta xiddiga ugu fiican horyaalka Ligue 1 kaddib markii uu qaatay kal ciyaareed aad u fiican, waxaana uu dhaliyey 38-gool, 42-kulan uu kooxda u saftay.
Haddaba kooxda PSG ayaa haatan bayaan ka soo saartay warkaas uu xalay Mbappe ka sheegay xafladda, kuna shaaciyey inuu ka tagi karo Naadiga, waxaana kooxda ka dhisan caasimadda Faransiisku ay xaqiijisay inuu weeraryahankan sii joogi doono kooxda.
Paris Saint-Germain oo qoraal ku soo dul qoray sawirka Mbappe ayaa ku bilowday: “Labo sanadood waxa uu dabar xoogani u dhexeeyay PSG iyo Kylian Mbappe, isla markaana sheekadani waa ay sii socon doontaa xilli ciyaareedka soo socda”.
“Waxa uu Hamigu yahay mid la wadaago oo ah in sanadkaan taariikh laga sameeyo kubadda cagta Yurub ee sanad-guurada 50-aad ee kooxda”
“Waa waqti aad loo sugayo kaas oo aan dhamaanteen si wadajir ah u qori doono bog cusub oo fiican oo taariikhda kooxda ah, halkaas oo shaqsi kastaba ay waajib ku tahay inuu doorkiisa wadajirka ah ka ciyaaro.” ayaa la sii raaciyay Bayaanka ay soo saartay kooxda PSG.
— Paris Saint-Germain (@PSG_inside) May 20, 2019
Gool FM.