(London) 25 Maajo 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay diyaar u tahay inay kula tartanto Manchester United saxiixa Adrien Rabiot, iyadoo xiddigan khadka dhexe uu isku diyaarinayo inuu beeca xorta ah kaga tago Paris Saint-Germain.
Rabiot ayaa heshiiska uu kula jiro kooxda difaacanaysa horyaalka Faransiiska waxa uu ku eg yahay 30 bisha June, isagoo markaa noqon doona beeca xorta ah.
Man United ayaa la sheegayaa inay doonayso inay soo qaadato xiddigan 24-sano jirka ah, iyadoo rabta inay shaxdeeda ku darsato fasal ciyaareedka soo aaddan ee 2019-2020.
Yeelkeede, sida uu warinayo Wargeyska The Sun, Arsenal ayaa sidoo kale ugaarsanaysa xiddigan xulka qaranka Faransiiska, kaasoo aan u ciyaarin PSG tan iyo bilowgii bishii December, kaddib markii uu diiday inuu saxiixo heshiis cusub.
Rabiot ayaa 227 kulan u saftay kooxda PSG tartammada oo dhan, waxaana uu ku guuleystay Shan horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, Afar Coupe de France iyo Shan Coupe de la Ligue intii lagu guda jiray waqtigii uu ku sugnaa kooxda ka dhisan Caasimadda Faransiiska ee Paris.
Gool FM.