(Yurub) 30 Maajo 2019. Halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo isla markaana ah milkiilaha kooxda reer Spain ee Real Valladolid, ayaa amaanay awooda ciyaareed ee da’ayarka PSG ee Kylian Mbappé.
Sidoo kale laacibkii hore kooxaha Barcelona, Real Madrid, Inter iyo AC Milan ayaa tilmaamay inay isaga shabahaan wiilka da’ada yar ee reer France inbadan qaab ciyaareedka, islamarkaana uu heysto xirfad weyn ee heer saro ah, inkasta uu yahay xiddig da’ayar ah.
Kylian Mbappé oo 20 jir ah ayaa waqti kooban wuxuu kaga mid noqday xiddigaha ugu fiican kubadda cagta ee aduunka, isagoo bar-tilmaameed buuxa u noqday kooxda Real Madrid suuqa kala iibsiga ee xagaaga soo socda.
Hadaba halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay:
“Aad ayaan u jeclahay Kylian Mbappé, waa ciyaaryahan dhaqsi badan, kuna go’aamiya kubadda goolka hortiisa, isagoo 20 jir ah”.
“Qof walba ayaa garanayay mudo seddex xilli ciyaareed ah, sababtoo ah wuxuu heystaa tayo weyn inkastoo uu dhalinyaro yahay, iyo qiimaha uu ku fadhiyo”.
“Dhab ahaantii ma aqaano sida loo qiimeeyo, qiimaha ciyaartoyda ee xiligan, laakiin dad ayaa waxay horey u bixiyeen lacago badan, sababa la xiriira aniga iyo Zidane, waa wax iska caadi ah horumarka kubadda cagta”.
Gool FM.