Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Miyuu sii joogi doonaa Kylian Mbappe Kooxda PSG xilli ciyaareedka xiga? – Waxaa ka jawaabaya Nasser Al-Khelaifi

$
0
0

(Paris) 17 Juunyo 2019. Madaxweynaha kooxda Paris St Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa xaqiijiyey inuu hubo 200% (boqolkiiba labo boqol) in Kylian Mbappe uu kooxda sii joogi doono, laakiin waxa ay u muuqataa inuu su’aal ka keenay ballan qaadka Neymar Jr.

Labada ciyaaryahan ee ugu qaalisan kubadda cagta Adduunka ayaa la la xiriirinayay inay xagaagan isaga tagi doonaan kooxda xafidanaysa horyaalka Ligue 1 ee Waddanka Faransiiska.

Al-Khelaifi ayaan diyaar u ahayn in laga dulqaado ciyaartoydiisa ku sugan garoonka Parc des Princes, isagoo sheegay inaan qofna lagu qasbin inuu heshiis u saxiixo PSG, warkaasna waxaa la fahamsan yahay inuu kala jeeday Neymar Jr oo adduun dhan 198 milayn oo gini ay kaga soo qaateen Barcelona sanadkii 2017-kii.

Laakiin xiddiga Koobka Adduunka kula guuleystay Faransiiska ee Mbappe kaasoo ay heshiis amaah ah uga soo qaateen Monaco labo sano ka hor, inta aysan ugu wada iibsan adduun dhan 116 milayn oo gini xagaagii la soo dhaafay ayaa sii joogi doona Magaalada Paris.

“Waxaan doonayaa in ciyaartoydu ay ku faanaan inay xitaan funaanadeenna, ma’ahan ciyaartoyda kuwa shaqadaasi sameynaya marka ay ku habboon tahay.” Al-Khelaifi ayaa sidaas ku sheegay wareysi uu siiyey francefootball.fr kaasoo la daabici doono isagoo dhammaystiran berri oo Talaado ah.

“Haddii aysan raali ka ahaynna albaabadu waa ay furan yihiin. Ciao. Ma doonayo anigu inaan arko markale xiddigahaas.”

Isagoo ka hadlayey Mbappe waxa uu yiri: “Sanadka dambe ma waxa uu sii joogi doonaa PSG? Anigu ma hubo taas 100%, laakiin waxaan hubaa 200%.”

“Ciyaaryahankaas oo kale maba u ogolaado inuu baxo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Nasser Al-Khelaifi.

Taasi waxa ay ka dhigan tahay in Kylian Mbappe uu sii joogi doono kooxda PSG, laakiin waxaan la hubin mustaqbalka xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr, kaasoo laga yaabo inuu ku laabto dalka Spain oo uu ku biiro midkood kooxaha Real Madrid ama Barcelona.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles