(Paris) 17 Juunyo 2019. Waxaa goordhow la soo gabagabeeyey Group-ka A ee Koobka Adduunka Dumar 2019, iyadoo la xaqiijiyey labada kooxood ee ka soo baxay Guruubkan.
Haddii aynu ku bilowno xulka Marti gelinaya Koobka Adduunka ee France ayaa gaaray guushoodii saddexaad oo xiriir ah, kaddib markii ay 1-0 uga adkaadeen caawa gabdhaha Nigeria.
Kulankan ayaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0 ah, balse markii dib la isugu soo laabtay xulka Nigeria waxaa kaarka cas ka qaadatay 75’daqiio Ngozi Ebere kaddib markii loo taagay kaarkeeda labaad ee digniinta ah.
Markii ay Ebere garoonka ka baxday Marti geliyeyaasha koobka Adduunka dumarka ee France ayaa fursadooda helay waxaana goolka qura oo ay guusha ku qaateen kulankan u dhalisay Wendie Renard, sidaas ayeyna uga adkaadeen 1-0 dhiggooda Nigeria.
Taasi waxa ay ka dhigan tahay in xulka France ay sagaal dhibcood kaga soo baxeen kaalinta koowaad ee guruubkan A, waana markii ugu horreysay taariikhdooda ay saddexda kulanba wada adkaadaan guruubka, inkastoo kulankii ugu dambeeyey ee caawa ay caawisay VAR.
Dhinaca kale kulan ka tirsan isla guruubkan A ayaa waxaa isku wajahay xulalka gabdhaha Norway iyo Korea Republic, waxaana 2-1 ku adkaaday gabdhaha Norway.
Qeybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku gacan sarreeyeen gabdhaha Norway, kaddib markii ay rigoore loo dhigay gool u rogtay 5’daqiiqo bilowgii ciyaarta gabdha lagu magacaabo Caroline Graham Hansen.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee dheesha gabdhaha Norway ayaa hoggaanka ciyaarta sii dheereystay waxaana rigoore kale u dhalisay 51’daqiiqo Isabell Herlovsen sidaas ayeyna ciyaarta ku hoggaamiyeen 2-0.
Gabdhaha Korea Republic ayaan ahayn kuwo isdhigtay waxaana ay iska soo celiyeen mid ka mid ah goolashii lagu hoggaaminayey waxaana 78’daqiiqo u dhalisay Yeo Minji, balse goolkaasi oo ahaa kii ugu horreeyey oo ay Koobka Adduunka ka dhaliyaan guuldarro kama badbaadin.
Norway ayaana ku soo baxay kaalinta labaad ee guruubka A, iyagoo la yimid lix dhibcood, halka Korea Republic iyo Nigeria ay tartanka Koobka Adduunka isaga hareen.
Guruubkan A ee koobka adduunka dumarka waxaa kasoo baxay labada xul ee Norway iyo marti geliyeyaasha tartanka ee France.
SAWIRRO:
Gool FM.