(Paris) 23 Junyo 2019. Xulka qaranka Gabdhaha Norway ayaa u gudbay wareega siddeed dhamaadka ee Koobka Adduunka Dumarka 2019, kaddib markii ay rigoorooyin 4-1 ah ku garaaceen Australia kulan ka tirsanaa wareega 16-ka ee bug baxda.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 1-0 ay ku hogaaminayeen Xulka qaranka Gabdhaha ee Norway.
Daqiiqadii 31-aad Isabell Herlovsen ayaa hogaanka u dhiibtay xulkeeda qaranka Norway, waxayna ciyaarta ka dhigtay 1-0, iyadoo caawinta goolkan ay ka heshay gabadha lagu magacaabo Karina Saevik.
Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib leysugu soo laabtay labada dhincba waxay sameeyeen bandhig fiican iyo isku dayo ay ku doonayeen inay shabaqa ku gaaraan.
Daqiiqadii 83-aad Elise Kellond-Knight oo ka tirsan Xulka qaranka Gabdhaha Australia ayaa ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah.
90-ka daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah, waxaana loo baahday in ciyaarta lagu daro waqti dheeri oo 30 daqiiqo ah si labada xul loo kala saaro, maadaama kulnka uu ahaa wareega 16-ka ee bug baxda.
Ugu dambeyn Xulka qaranka Gabdhaha Norway ayaa iska xaadiriyay wareega siddeed dhamaadka ee Koobka Adduunka Dumarka 2019, kaddib markii ay rigoorooyin 4-1 ah ku garaaceen Australia.
Si kastaba ha ahaatee, Norway waxa ay siddeed dhammaadka la ciyaari doontaa xulkii adkaada England iyo Canada.
SAWIRRO:
Gool FM.