(Paris) 23 Juunyo 2019. Xulka Gabdhaha France ayaa guul muhiim ah kaga gaaray dhiggooda Brazil 2-1, waxaana ay u gudbeen wareegga siddeed dhammaadka Koobka Adduunka ee Dumarka 2019.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 ah.
Kulankan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad, labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen ciyaar aad loo jecleystay.
52 daqiiqo Valerie Gauvin ayaa hogaanka u dhiibtay xulkeeda qanka France, kaddib caawin ay ka heshay saaxiibteed Kadidiatou Dian, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 1-0.
Laakiin xulka qaranka Gabdhaha ee Brazil ayeey waxba ku qaadanin inay helaan goolka barbaraha, waxaana daqiiqadii 64-aad 1-1 ka dhigtay Gabadha lagu magacaabo Thaisa.
90-ka daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah, waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah si labada xul look ala saaro, midkoodna uu u gudbo wareega siddeed dhamaadka.
106′ daqiiqo Gabdhaha xulka qaranka France ayaa hogaanka u qabtay ciyaarta, kaddib markii ay gool ka heleen Amandine Henry waxayna dheesha sidaas ku noqotay 2-1.
Ugu dambeyntii xulka Gabdhaha ee France ayaana ku adkaaday 2-1, waxaana ay u soo gudbeen wareegga siddeed dhammaadka Koobka Adduunka Haweenka ee 2019, halka Brazil ay tartanka isaga hareen.
Xulka Gabdhaha ee Fnace ayaana ku wajihi doona wareegga siddeed dhammaadka kula ciyari doonaan Jimcaha soo socda, midkood kii soo baxa xulalka USA iyo Spain oo habeen dambe balansan,
SAWIRRO:
Gool FM.