Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Neymar Jr Oo Fududeynaya Inuu Ku Laabto Barcelona & Sirta Uu La Wadaagay Xiddigaha Kooxdiisii Hore!

$
0
0

(Barcelona) 24 Juunyo 2019.  Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr ayaa baxsad u ah ku laabashada kooxdiisii hore ee Barcelona, maadaama uu ka tagayo kooxda ka dhisan caasimadda France.

Xiddigaha Barca weerarka kaga ciyaara ee Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa la werrineyaa inay si aad ah uga shaqeynayaan kusoo celinta Neymar garoonka Camp Nou.

Balse maamulka kooxda La Liga difaacaneysa ayaa diyaar u ah xiddigga reer Brazil ay siiyaan keliya mushaarkii uu horraan ka qaadan jiray kooxda reer Catalonia ka hor inta uusan 2017 ka tagin.

Markii uu ku biirray PSG waxa uu noqday Neymar xiddigga ugu qaalisan kubadda cagta, waxaana mushaar ahaan uu uga qaataa caasimadda Faransiiska €36m sanad ciyaareedkiiba.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ka imaanaya Spain waxa ay sheegayaan in Barcelona aysan diyaar u ahayn inay mushaaraad fara badan iyo soo iibsasho xoog leh isku darsato.

Waxaa intaas dheer in wararka qaar ay sheegayaan in maamulka Kooxda reer Spain aysan dooneyn in xiddiggan ay dib u helaan, balse xiddigaha kooxda ayaa weli xiriir wanaagsan la leh Superstar-kan.

Neymar ayaa aad ugu dhow Messi iyo Suarez, iyagoo sameeyay wada shaqeyn la xasuusto muddadii ay ku mattaaneysnaayeen Camp Nou, waxaana qudhiisa uu qiray inuu xiiseynayo kusoo laabashada Barcelona.

Laacibkan waxa uu milkiilaha PSG ee Naser Al-Khelaifi u sheegay rabitaankiisa ku aaddan ka tagista kooxda isagoo ku yiri: “Ma rabo inaan usii ciyaaro wax badan PSG. Waxaan rabaa inaan ku laabto gurigeyga, oo ah halka aysan mudneyn inaan kasoo tago.”

Warsidaha kasoo baxa Catalonia ee Sport ayaa baahiyay in Neymar uu WhatsApp-ka farriin ugu diray qolka lebiska Barcelona isagoo xiddigaha Macallin Ernesto Valverde u xaqiijiyay inuu imaanayo. “Ha welwelina, Waan imaanayaa,” ayuu u diray saaxiibbadiis laacibka reer Brazil.

Neymar ayaa Barcelona kusoo qaatay afar sano oo cajiib ahayd, isagoo u ciyaarray 186 kullan, sidoo kalena u dhaliyay 105 gool.

Hadda waa uu ka ganaaxanyahay horyaalka isagoo ganaax saddex kullan ah ku muteystay markii uu wax yeelleeyay taageere, sidoo kalena Champions League-ga waa uu ka ganaaxanyahay ka dib markii uu aflagaadeeyay guddiga garsoorkii dhex-dhexaadiyay ciyaartii ay kooxdiisa guuldarrada kala kullantay Manchester United wareeggii 16-ka.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles