(Paris) 25 Juunyo 2019. Waxaa caawa la soo gabagabeeyey wareegga 16-ka Koobka Adduunka Dumarka 2019, kaasoo si xiiso leh uga soconaya Magaalada Paris ee caasimadda Waddanka Faransiiska.
Kulankii ugu dambeeyey 16-ka xulka gabdhaha Netherlands ayaa guul xilli dambe ka gaaray Japan waxaana ay iska xaadiriyeen siddeed dhammaadka tartankan.
Netherlands ayaa goolka la horreeyey waxaana u dhalisay 17’daqiiqo Lieke Martens, laakiin intii lagu guda jiray qeybtii hore ee ciyaarta ayaa laga barbareeyey waxaana goolka barbardhaca ugu shubtay 43’daqiiqo Yui Hasegawa, kulanka ayaana lagu kala nastay gar isku mid ah 1-1.
Markii dib la isugu soo laabtay kulanka waa la isku daalay waxaana labada dhinac ay sameeyeen fursado goolal loo filan karay, balse ugu dambeyn daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta waxaa guusha helay gabdhaha Holland.
Netherlands ayaa rigoore loo dhigay waxaa gool u rogtay Lieke Martens sidaas ayaana looga adkaaday xulka Japan 2-1.
Japan ayaa isaga haray tartankan halka gabdhaha Netherlands ay tiigsadeen siddeed dhammaadka tartankan iyagoo la ciyaari doona Italy.
Meet your #FIFAWWC quarter-finalists, ladies and gentlemen… #NOR#ENG#FRA#USA #GER#SWE#ITA #NED pic.twitter.com/Gr2W1tHLKb
— FIFA Women’s World Cup (@FIFAWWC) June 25, 2019
SAWIRRO:
Gool FM.